U gudub nuxurka

Ku Saabsan Ogaal

Lagu aasaasay Muqdisho 2026-kii si Soomaaliya loogu hoggaamiyo isbeddel dhammaystiran.

Xisbiga Ogaal waa xisbi lagu aasaasay magaalada Muqdisho 2026-kii oo ay aas-aaseen aqoonyahanno iyo hoggaan bulsho oo u kuur galay dhibaatooyinka ka jira Soomaaliya, ku sameeyey cilmi-baarisyo qoto dheer, kadibna diyaariyey hab-raacyadii looga bixi lahaa dhibaatooyinkaas.

Ogaal wuxuu u taagan yahay in uu Soomaaliya u hoggaamiyo isbeddel-dhammaystiran si ay dadka Soomaaliyeed u helaan cadaalad, amni, nolol, koboc dhaqaale, dawlad-wanaag iyo xuquuqdooda muwaadinnimo.

Ujeedada loo aasaasay Ogaal waa in shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhalinyarada, helaan masrax ay si sharci ah ugu xaqiijiyaan himilooyinkooda dhow iyo kuwooda fogba.

Aragtida Ogaal

Soomaaliya midaysan, nabad ah, lagu maamulo cadaalad iyo sarraynta sharciga; dawladdu u adeegto, fursadna u abuurto muwaadin kasta, kana mid noqota wadamada hormuudka u ah Afrika.

Himilada Ogaal

Dhisidda Soomaaliya midaysan, caddaalad ah, barwaaqo ah, iyadoo lagu gaadhayo hoggaan hufan, dowladnimo isla-xisaabtan leh, iyo fursado ay u wada siman yihiin dhammaan muwaadiniintu.

Mabaadi'da Guud ee Xisbiga Ogaal

  1. Nabad & xasillooni

    Nabad, xasillooni iyo is-ku-filnaansho, iyo is-la-tashi la isku hallayn karo.

  2. Caddaalad

    Caddaalad iyo xil iska saarka danta muwaadinka.

  3. Sarraynta sharciga

    Qofna kama sarreeyo sharciga; hay'ado u fuliya si siman.

  4. Midnimada dalka

    Xoojinta wadajirka dadka Soomaaliyeed si loo adkeeyo midnimada dalka.

  5. Dastuur wadar ogol ah

    Dastuur ay Soomaalida oo dhan isku raacsan yihiin.

  6. Federaal muwaadin-u-shaqeeya

    Nidaam federaal oo muwaadinka u shaqaynaya.

  7. La dagaalanka musuqa

    Hay'ado hufan oo la isla xisaabtami karo.

  8. Is-ku-filnaansho dhaqaale

    Dhaqaale fursado abuura oo ku tiirsan awooddiisa.

Abdulkareem Hassan Jama

Hoggaamiyaha

Mustaqbalka Soomaaliya wuxuu ku xiran yahay ka faa'iidaysiga muhiimadda juqraafiyadeed, firfircoonida ganacsatada Soomaaliyeed iyo xiriirka dhaqaale ee gobolka iyo dunida.

Abdulkareem Hassan Jama

Hoggaamiyaha Xisbiga & Murashaxa Madaxweynaha 2026

Akhri taariikh nololeedka