U gudub nuxurka

Hoggaankeenna

Dadka hoggaaminaya shaqada Ogaal ee Soomaaliya midaysan, cadaalad ah oo barwaaqo ah.

Abdulkareem Hassan Jama

Hoggaamiyaha xisbiga

Abdulkareem Hassan Jama

Hoggaamiyaha Xisbiga & Murashaxa Madaxweynaha 2026

Taariikh nololeed

Abdulkareem Hassan Jama waa siyaasi Soomaaliyeed, aqoonyahan khibrad u leh siyaasadda iyo dhismaha dowladnimada.

Waa hoggaamiyaha Xisbiga Ogaal, oo ah xisbi siyaasadeed oo u ololeeya in uu Soomaaliya u hogaamiyo isbedel-dhamaystiran, dadka Soomaaliyeed helaan cadaalad, amni, nolol, koboc dhaqaale, dawlad-wanaag iyo xuquuqdooda muwaadinnimo.

Wuxuu Ogaal qorsheeyey hirgelinta maamul ku dhisan aqoon, cilmi baaris iyo xog sugan. Sidoo kale, Abdulkareem wuxuu murashax u yahay doorashada Madaxweynaha Dawladda Federalka Soomaaliya ee 2026.

Ka hor intii uusan si rasmi ah u gelin siyaasadda xisbiyada, Cabdulkareem Xasan Jaamac wuxuu xilal kala duwan oo muhiim ka soo qabtay Dawladda Federalka, Shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo hey'adaha tacliinta sare iyo cilmi-baarista.

Abdulkareem waxa uu soo noqday Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ee Soomaaliya. Waxa uu ahaa Agaasimaha Guud ee Maxtooyada iyo Lataliyaha Sare ee Madaxweynaha Soomaaliya, isagoo door muhiim ah ka qaatay dadaalladii dib-u-dhiska dowladnimada iyo ka bixista Kumeel-gaarnimada ee Dowladda Soomaaliya.

Waxa uu ka mid yahay aasaasayaashii Machadka Cilmibaarista iyo Falanqaynta Siyaasadda ee ugu weyn Soomaaliya, wuxuuna muddo dheer ahaa Guddoomiyaha Golaha Sare ee Machadka. Waxa uu kaloo ka mid yahay aasaasayaashii Jaamacadda City University of Mogadishu, muddo dheerna ka mid ahaa hoggaanka ugu sarreeya.

Aragtida siyaasadeed ee Cabdulkareem Xasan Jaamac waxay xoogga saartaa in Soomaaliya hesho midnimo ku dhisan dhab-u-heshiisiin qaran, dastuur iyo nidaam federaal oo loo dhan yahay. Wuxuu aad u rumaysan yahay xaqsiinta muwaadinka, la dagaalanka musuqmaasuqa, sarraynta sharciga, kobcinta fursadaha dhaqaale ee dalka, dhisidda karaanka iyo awoodda muwaadinka, iyo dhismaha hay'ado dowladeed oo hufan.

Abdulkareem wuxuu ka mid ahaa dadkii bilaabay codsiga in Soomaaliya ka mid noqoto Dawladaha Bariga Afrika 2010-kii, wuxuuna rumaysan yahay in mustaqbalka Soomaaliya uu ku xiran yahay ka faa'iidaysiga muhiimadda juqraafiyadeed ee Soomaaliya, firfircoonida ganacsatada Soomaaliyeed iyo xiriirka dhaqaale ee gobolka, qaaradda iyo dunida.

  • Amina Warsame

    Xoghayaha Guud

    Hoggaamisa abaabulka xisbiga, xubnaha iyo laamaha gobollada.

  • Mohamed Abdi Nur

    Guddoomiye ku-xigeenka

    Kormeera diyaarinta siyaasadaha iyo barnaamijka xisbiga.

  • Hodan Ali Farah

    Madaxa Arrimaha Dhalinyarada & Haweenka

    Dhisa barnaamijyo dhalinyarada iyo haweenka u horseeda hoggaanka.

  • Yusuf Hassan Omar

    Madaxa Isgaarsiinta

    Afhayeenka xisbiga iyo madaxa xiriirka warbaahinta.

  • Fadumo Ismail

    Khasnajiga

    Mas'uul ka ah maaliyadda xisbiga iyo ururinta lacagta si hufan.